Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo ka mid ah garaadada gobolka Buuhoodle,isla markaana ka mid ah kuwa ugu tunka weyn ayaa waraysi la yeelatay idaacada VOA waxa uu ku sheegay inuu kalsoonidii kala noqday shirka Garaadada mudaba uga socday tuulada Buuro-Wadal ee gobolka Sool.Garaad C/llaahi ayaa sheegay in shirkaasi uu ka leexday sidii uu ku socday oo dad gaar ahina ay wataan oo puntland lagu burburinayo.
"Waxaan u arkaa shirkaas miid aan guul laga gaadhayn,mid aan dan ugu jirin beelaha deegaankaas.






Iyadoo ay gurdanka xubnaha jaaliyaddu ka wadaan bagcadda banaan ee Buurowadal kuna doonayaan inay ku biiraan golaha khusuusida oo aan la isla qaadan istiraatiijiyada loo dhisayo ayaa dhanka kale waxaa weli socda oo ay tani qayb ka tahay lugooyada aan geedna loogu soo gabban ee ay golaha Isimoland ku hayaan dadweynaha SSB, gaar ahaana xubnaha qurbajoogta ah ee ay siyaasaddu madaxmartay oo doonaya uun in wax loo dhaqdhaqaajiyo, waxana isimoland ay mar kale golayaal dhisayaan iyadoo ay 150 habeen ka soo wareegtay markay sameeyeen gudiga SSc ee nairobi, hadana ay Buurowadal ka bilaabeen barnaamijka Khusuusida oo ay daadihinayaan intii diidanayd waxii Nairobi lagu dhisay oo ah kooxaha sida dhow gacansaarka ula leh Puntland & odayaal wiilashooda la doonaya kursiga gudoonka. waase maxay Go'aanka sirta ah?
Roobabkii guga ayaa ilaa xalay ilaa saaka siway uga da"ayey deegaano kamid ah magaalada Buuhoodle, oo dhimaca waqooyiga koonfurta iyo barigaba kaga beegan magaalada Buuhoodle.
Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta SL Cali maxamuud cali sandule ayaa waxaa uu canbareyn kulul usoo jeediyey waiirka maamul wanaaga puntland
Xilli ay bulshadii reer guuraaga ahayd ee gobolada Bariga Sl ku sugan yihiin inta Buuhoodle Bari ka xigta ayaa waxaa la soo sheegayaa in degaanada qaarkood ay xalay & maanta ka hooreen Hoglo wanaagsan, waxaana la cadeeyey in Tuulada Goob oo ka mid ah dhulka loo yaqaano toomaha ay Buuxsantay oo roobsatay, halka tuulooyinka sare ee hawdka sida Laandheer iyana ay hoglo lagu qabowsaday ka da'een, Horufadhi ayaa iyadana biyo dhig laga soo sheegayaa. Buuhoodle dushiisa ayaa hadda waxaa saaran daruuro waaweyn oo keeni kara inay habeenimada caawa xilli roobaad ka noqoto gudaha magaladaasi.
wafdiga wasiirada ee ku sugan laascaanood aya waxay maanta shirar kala duwan la yeesheen Gudiga nabadgalyada ee gobolka sool,shirkan oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxaa lagaga wada hadlayay, arimaha amaanka iyo habsami usocodka hawlaha maamulka gobolka sool.