allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
allhawd.com

Taageerada baaqa odayaasha buuhoodle

E-mail Print PDF

 

Anagoo ka mid ah Qurba joogta N.America iyo yurub ee reer buuhoodle waxaanu 100% taageeraynaa ismida ,cuqaasha ,culumada iyo dhamaan wax garadka buuhoodle Go,aankii ay ka soo saareen arimaha cakiran ee ka taagaan halkaas .

waxaanan ugu mahad celinaynaa dadaalka iyo xilkasnimada ay muujiyeen kadib markii ay arkeen taladii ay soo hayeen labaatanka sano oo laga fara maroojinayo iyadoon wax talla ah laga waydiiniyo xaallda manta degaanku ku sugan yahay fahmeena wacyiga iyo arimuhu say usocdaan,waxaan leenhay ilaahay ha idinla garab galo,cida keliya ee guulaysanaysaa waa cidii wanaag iyo horumar iyo daacadnimo wada.

Read more...
 

Isimada Culima udiinka dhalinyarada oosaaka goaamo soosaarey

E-mail Print PDF

 

Isimada Cuqaasha iyo Culumada Diinta ee Buuhoodle oo saaka Go'aamo ka soo Saaray shiray Buuhoodle ku yeesheen kadibna Saxaafada la hadlay

(Buuhoodle,  June 05,  2010 Ceegaag Online)

Go'aamadii Shirkaa jaraa'id Dhagayso

Magaalada buuhoodle Wax saaka shir Isugu yimid Isimadii hore magaalada buuhoodle ugu sugnaa iyo Qaarkamid ah Cuqaasha deegaanka Buuhoodle oo ay Wehelinayeen Culumada diinta ee Buuhoodle oo iyana saaka shirkaasi soo Xaadiray, Kadibna Markii shirkaasi dhamaaday Waxa warbaahinta la hadlay Isimada Cuqaasha Qaarkood iyo Culumada oo iyagu halkaasi ka soo saaray go,aamo.

Last Updated on Sunday, 06 June 2010 02:05 Read more...
 

Taldaan la ruugin waa lagu rafaadaa

E-mail Print PDF

Faallo:Baaqa garaadada iyo cuqaasha Buuhoodle wuxuu mudan yahay in la tixgeliyo.

Warkii 07-Jun-2010 iyo Qormadii: Talo. Baaq ay si wadajir ah u soo saareen Garaadada iyo cuqaasha gobolka Buuhoodle(Cayn) ayaa waxay ku baaqeen in nabad lagu dhameeyo xaalada qalafsan ee ka jirta deegaamadaas, dhulkaas oo wakhtiyadii ugu danbeeyey ay ku naf waayeen dad badan,kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, meesha boqolaal shacab ahina ay guryahoodii ka barakaceen.

Garaad C/llaahi Garaad Soofe(Garaadka Axmed Garaad),Garaad Saleebaan Buraale(Garaadka Yaxye),Suldaan Siciid(Suldaanka Khaalid),Chief Caaqil Maxamuud Cumar Camey(Caaqilka guud ee Aadan hagar),culimaa' udiinka Buuhoodle,iyo badanaa waxgaradka laga tixgeliyo deegaankaas ayaa kulan ay yeesheen waxay ku lafagureen xaalada adag ee ka taagan deegaankaas, waxayna in badan ka doodeen sidii dadka iyo deegaankaba loo samata bixin lahaa,looguna soo celin lahaa nabadii mudada badan ay dadka deegaankaasi haysteen,waxayna ugu danbayntii soo saareen qodobo ay u arkeen in uu xal u noqon karo in mar kale nabad uu noqdo dhulkaasi,taasoo odayaashaas masuuliyad weyni ka saaran tahay dadka ay masuulka ka yihiin. Qodobada ay soo saareen ayaa waxa ka mid ahaa in ay ku baaqayaan in nabad la qaato iyo in Somaliland Ciidameeda kala baxdo dhulka ay soo gashay ee deegaankaas,

Read more...
 

FAALO.MARXUUMO LA TEBAY

E-mail Print PDF

Marka shayga siyaasada la yidhaahdo oo macnaheedu yahay qaabka Hogaaminta ,Qaran
,Gobol ,Degmo ,beel iwm

Hadii marka ay hagaagsantahay siyaasada Hogaamiyaha ,waxaa dhacaysa umadaas ,ama
qaran ha ahaato ama Gobol ama degmo ama Beel iwm .

in ay gaadhayso horumar ama dhibaatooyin badan oo soo wajaha xilliga colaada
,abaarta iwm ay si sahlan uga badbaado.

Waxaan filayaa ma jiro Hogaamiye 100% siyaasadiisu najax tahay ,marka laga reebo
rushii iyo anbiyadii ilaah soo diray ee iyaga uu hagayey waxyiga samaawiga ah.

waxaa ku xigta cidii wax hogaamisay ee raacday dariiqooda.

laakiin hogaamiyayaasha ka soo hadhaa hogaamintoodu ma noqon karto 100%
Last Updated on Tuesday, 25 May 2010 04:39 Read more...
 

Qarax Ka Dhacay Xerada Ciidamada Itoobiya ee Buuhoodle oo Dhimasho Gaystay

E-mail Print PDF

Qarax ayaa saacad ka hor waxa uu gilgilay Xerada Ciidamada Federaalka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha Buuhoodle halkaasoo la sheegay inuu ka dhacay khasaare xun oo ay ku dhinteen 4 askari & haweeney rayidka deegaanka ka mid ahayd, waxaana loo badinayaa in qaraxaasi uu ka kacay Bumbooyinka gacanta laga tuuro oo ay xidhnaayeen askarta dhimatay qaarkeed, qaraxuna waxa uu xerada ka dhacay saaka iyadoo uu ka socdo shir u dhexeeyey odayaasha deegaanka & saraakiisha Ciidamada Bariga Itoobiya oo halkan ku sugan hadda.

Last Updated on Sunday, 23 May 2010 12:06 Read more...
 

Dagaal Dhimasho Dhaliyey oo Buuhoodle Ku Dhexmaraya Ciidamada Itoobiya & dadkii Deegaanka & Isgaadhsiintii oo Laga Gooyey

E-mail Print PDF

Waxaa dagaal ku dhexmarayaa hadda magaalada Buuhoodle Ciidanka Federaalka Itoobiya & dad hubaysan oo deegaanka ka soo jeeda, waxaana la maqlayaa rasaasta oo si weyn u saamaysay magaalada iyadoo ay dhimasho badani dhacday illaa hadda, waxaana ay arintani dhacday xilli ay saaka Ciidanka Qaranka Sl degeen balliga Istaraatiijiga ah ee Widhwidh yare ee ku yaalla wadada isku xidha Buuhoodle & Widwidh, qiyaastiina Nus Km u jira magaalada Widhwidh, halkaasoo la sheegay inay sidoo kale ku baxeen Ciidamo Shacab Ah oo Ka Yimid Dhanka Buuhoodle. ma jiraan warar dheeraad ah oo laga heli karo hadda ka dib maadaama dhamaan isgaadhsiintii la xidhay.

Last Updated on Friday, 21 May 2010 15:54 Read more...
 


Page 8 of 107

news