allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
allhawd.com

Diiwaangelintii oo Saaka si Habsmi leh Uga Socota Deegaanada Balliahadhac, Qorfobuul & Dusmada

E-mail Print PDF

Diiwaangelintii codbixiyayaasha doorashooyinka ee gobolka Buuhoodle ayaa saaka ka bilaabantay deegaano ay ka mid yahiin Qorfobuul, Ballihadhac & Dusmada oo dhamaan ka tirsan degmada Qaddiimka ah ee Widhwidh, halka sidoo kalena ay iyana diiwaangelintu ka bilaabantay Degmada Cusub ee Ceegaag waxaana la filayaa in halkaasi ay diiwaangelintu ka socoto mudadii loo cayimay.

 

Last Updated on Tuesday, 18 May 2010 13:08 Read more...
 

Diiwaangelintii oo La Qorsheeyey Inay Berri Subax Ka Bilaabanto Widhwidh & Nawaaxigeeda

E-mail Print PDF

Gudiga Doorashoyinka SL ayaa go'aamiyey inay lama huraan tahay in sanaaduuqda Diiwaangelintu ay gaadho degmada Widhwidh ugu dambayn caawa si ay berri Subax oo Isniin ah uga bilaabanto diiwaangelinta Gudaha magaaladaasi & deegaanada ku xeeran Sida Qorfobuul, Balli hadhac & meelo kale, waxaana ay xukuumadu xaqiijisay in ammaanka hawshaasi ay fulin doonaan Ciidamada ammaanku.

 

Last Updated on Sunday, 16 May 2010 17:44 Read more...
 

Alqaacida oo Amiir Cusub u Magacowday Ciraaq

E-mail Print PDF

Tan & intii ay ku geeriyoodeen Hogaamiyahii Alqaacidada Ciraaq & ku xigeenkiisiiba duqayn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Ciidamada ameerikaanku ayaa hadda bayaan ka soo baxay Maamulka loogu yeedho Dawladda islaamiga ah ee Ciraaq waxa ay hogaamiye ama amiir u magacowdeen Mujaahid Abuubakar Albaqdaadi Alxuseyni Alqurashi halka ku xigeena laga dhigay Abii cabdallah Alxuseyni Alqurashi, waxaana bayaankan oo weli aan la hubin sixitaankiisa ayna baahiyeen baro islaami ah oo Internet-ka ahi lagu tilmaamay in golaha shuurada ee dawladdasi islaamiga ah ee Ciraaq ay go;aankaasi wadajir ku ansixiyeen isla markaana ay labadaasi sheekh bedeli doonaan labadii hogaamiye ee Hore Abuubakar Albaqdaadi & Abu Xamsa Almasri.

 

Last Updated on Sunday, 16 May 2010 17:58 Read more...
 

Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada SL oo Buuhoodle Ku Soo Jeeda

E-mail Print PDF

Xilli ay labo maalmood xiisaddu kor uga sii kacayso deegaanada Buuhoodle, sidoo kalena la sheegayo inay halkaasi gaadheen xubnahii u sareeyey Gudidii SSC Nairobi ayaa saaka waxaa halkaasi ku soo jeeda xubno wasiiro SL ah oo ay ka mid yahiin Wasiiru Dowlaha kaluumaysia & Kheyraadka Badda Cabdi Xirsi Ducaale, Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Cawil bacaluul & Badhasaabka Gobolkaasi Ismaacil Maxamed Jaamac ( Afmiishaar), waxaana wararku tibaaxayaan in Ciidamada Sl ee Aaggaasi ay si ku meel gaadh ah u hoos iman doonaan xubnahaasi wasiirada ah.

Last Updated on Sunday, 16 May 2010 10:20 Read more...
 

Agaasimaha Warbaahinta SSB oo Tacsi Ka Diraya Geeridii Marxuum Xaaji Axmed Aadan Xaad

E-mail Print PDF

Agaasimaha Warbaahinta SSB Xuseen Aadan Yuusuf ( Kurdi) ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diraya geeridda naxdinta leh ku timi Marxuum Caaqil Xaaji Axmed Aadan Xaad oo shalay ku geeriyooday magaaladda Buuhoodle, waxaana agaasimahu tacsidaasi gaadhsiinayaa dhamaan eheladii, qaraabadii & Asxaabtii uu ka tegay Marxuumku, Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Last Updated on Wednesday, 12 May 2010 12:38 Read more...
 

Warbixin Ku Saabsan Muwaadin Maxamed Waranle oo Loo Soo Wareejiyey Xabsiga Mandheera Loona Doonayo Dhaqaale Qareen Loogu Qabto

E-mail Print PDF

Muwaadin Maxamed Waranle oo ka mid ah Beesha Degmada laascaanood  Ciidanka Somaliland-na ka soo qabteen dhulka kaymaha ah ee hawdka gobolka Sool muddo 150 habeen ka hor ah gaar ahaan Aagga Degmada Saaxdheer waxii ka dambeeyeyna ku xidhnaa magalada Burco ka dib markii Dil lagu xukumay eedaymo ku saabsan inuu maleeshiyaad beeleedyo sharcidarro ah ka abaabulayey deegaankaasi, eeddaas oo uu maxkamadda horteeda ku sheegay xiligaasi inaanay waxba ka jirin ayaa hadda loo soo gudbiyey dhinaca xabsiga Mandheera si mar kale maxkamad loogu eego kiiskiisa oo uu xukunkii hore racfaan kaga qaatay, waxaana hadda Hargaysa ku sugan eheladiisii oo iyagu aan awoodi karayn dhaqaalahii loogu qaban lahaa qareen u dooda. kala xidhiidh 0025224960381

Last Updated on Tuesday, 11 May 2010 19:06 Read more...
 


Page 9 of 107

news