“Somaliland qasri madaxtooyo oo ay leedahay ma jiro, balse aqalkani waa kii Morgan dhistay ee Ina Maxamed Siyaad Barre lagu qabay”
“Dhulbahantu abaal buu ku leeyihiin Daahir Rayaale, waayo markii aannu eryanaynay ee uu Taliyaha Nabadsugidda ahaa waa kuwii bixiyey”
“Waa gunimo inaad maanta tidhaahdo qofkii Dhulbahante ah ee muraacad noqodow waa lagu xidhayaa”
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)






Gen. Cabdilaahi Axmed jaamac ( Ilkojiir) oo ka mid ahaa usharaxiintii madaxweyninimada PL dhowaana diiday xilka wasaaradda arimaha gudaha oo Loo Magacaabay, lagana sugayey Dhinaca Buuhoodle oo ay ku aasaasi lahaayeen Isbaahaysi Puntlander ah oo mucaarad ah ayaa hadda waxa uu u muuqdaa inuu qorshahaasi ka noqday kuna biiray Xukuumadda Faroole, isla markaana Generaal-ka galabta loo dhaariyey wasiirka arimaha gudaha ee Puntland, haka ku xigeena looga dhigay Kornayl dhowaan ahaan jiray taliyaha u sareeya Ciidamada Booliska Puntland Col Yuusuf Axmed Kheyr.
Masuuliyiinta Seddexda Xisbi siyaasadeed ee Somaliland ayaa maanta kulan Qado sharaf ah la yeeshay Safiirka Wadanka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia Ambassador John Marshal oo isaga iyo wafti uu hogaaminayaa shalay socdaal ku yimaadeen Somaliland.
Waxaa Garoonka Konoko ee Magaalada Caasimada DGPL ee Garowe ka soo degay Wefti qaramada Midoobay ka mid ah oo uu hoggaaminayo xiriiriyaha arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya Mr Mark Bowden.Weftigan ayaa markii ay soo degeenba waxa loo soo gelbiyey xarunta Madaxtooyada ee DGPl,waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha DGPl iyo ku xigeenkiisa,waxaa kaloo joogay wasiir Ammniga iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
Waxaa maanta hirgashay Dhaarinta Xukuumadda cusub ee MGPL, taasoo xafladeedu ka dhacday aqalka madaxtooyada ee magaalada garoowe, waxaana munaasabadaasi lagu dhaariyey inta badan xukuumaddii la magacaabay halka sidoo kalena uu cabdiraxmaan faroole Ballanqaaday inuu siyaasiyiin kale u magacaabi doono jagooyinkii ay diideen wasiiradii hore loo magacaabay qaarkood.