Saacado kadib markii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu ku dhawaaqay xalay Golahiisa wasiiradda iyo cadadka ay ka kooban yihiin ayaa waxaa markiiba soo baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah Xubnihii Musharaxiinta ee u tartameyay xilka Madaxtinimada Puntland kana mid noqday Xukuumadda cusub ay iska fogeeyaan xilalkii lagu magacaabay. waxaana ragaasi safka hore kaga jiray Gen: cabdilaahi Axmed jaamac (Ilkojiir) oo diiday xilka wasaaradda arimaha Gudaha, Dr, saleebaan Ciise oo Ka Gaabsaday Inuu hogaan u noqdo wasaaradda kheyraadka badda & kaluumaysiga & nuuradiin aadan diiriye oo loo magacaabay wasaaradda muhiimka ah ee Qorsheynta aya isna ku gacan saydhay inuu ka shaqeeyo, waxana ay tani noqonaysaa talaabadii siyaasadeed ee u horaysay ee uu madaxweyne faroole qaado isla markaana fashilaad kala kulmo.






Dr Saleebaan Ciise Axmed oo ahaa Musharaxii Madaxtooyada Puntland ayaa hadda waxa uu ka dhex muuqday liiska wasiirada cusub ee maamul goboleedkaasi, waxana loo magacaabay wasaarad ka fog saaxadda dadweynaha gobolkani ku dhaqan yihiin ee kaluumaysiga & kheyraadka badda, sidoo kalena magacaabistiisa heer wasiir waxa ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee siyaasi reer Buuhoodle ah uu maamulada Sl & PL ka qabto jagada heer wasiirnimo.
Maalmo uun ka bacdi markii loo doortay madaxweynaha Puntland ayaa faroole waxa uu magacaabay dawlad isku dhaf ah oo ka kooban wasiiro muddo dheer soo taagnaa xukuumadihii kala dambeeyey ee Puntland & siyaasiyiin Qurbojoog ah oo ay ka mid yahiin musharixiintii madaxweynaha Puntland, sida saleebaan Ciise Axmed & Nuuradiin Aadan Diiriye, waxaana ay u muuqataa xukuumad aan xilligan ka saari karin umadda puntland dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha & amni xumada haysta.
