heshiiskii buuhoodle
Monday, 09 August 2010 03:50
administrator
Wasiirka gaashaandigga Somaliland, Ahmed Hagi Ali Cadami, ayaa sheegay in aanu hadda jirin wax go'aan ah oo dawli ah oo ku saabsan in wax lagaga bedelo qorshaha istaraatijiyadeed ee ciidamada Somaliland ee jooga degaannada Buuhoodle.
Read more...
Weftiyo Ka kala Socda Buuhoodle & Bariga Burco oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Xadhadhanka
Friday, 06 August 2010 20:41
xusen
Weftiyo ka kooban Cuqaal & Odayaal oo ka kala socda Beelaha Buuhoodle & Bariga Burco ayaa maanta ku kulmay magaalada Xadhadhanka oo 20 KM Galbeed kaga beegan Buuhoodle, waxaana kulankaasi oo la kulmay Diidmada SSC uu qaybtiisii hore la kulmay waxoogaa Buuq ah markii taageerayaasha ururka SSC qaarkood ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan shirkaasi, isla markaana ay dhacday Tacshiirad ay is dhaafsadeen Taageerayaal SSC ah oo Buuhoodle ka tegay & Rag Hubaysan oo ka amar qaadanayey Caaqil Axmed Diiriye Jiinje oo kulanka Marti loogu ahaa, mana jiraan wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay, halka sidoo kalena dhinacyadii shiray oo ku kala noqaday goobahii ay ka yimaadeen ay sheegeen inay berri saxaafadda u bandhigi doonaan waxii laga wada hadlay oo ay ku tilmaameen in lagu heshiiyey.
Last Updated on Friday, 06 August 2010 20:54
Read more...
Muuqaalada Weeraro lala Damacsan Yahay Iran & Xisbullaahi ( Qalinka Xuseen Kurdi)
Thursday, 05 August 2010 12:48
xusen
Markii uu dhowaan caddeeyey Taliyaha Hogaanka Ciidamada Federaalka Maraykanka Gen, Micke Molin In Ciidanka maraykanku ay diyaariyeen Qorshe lagu weerarayo Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran, Waxaynu gidigeen garan karnaa inuu socdo barnaamij lagu abaabulayo dagaal goboleed weyn oo saamayn ku yeelan kara arimaha siyaasadeed ee Dunida carabta ama xitaa ta bashariyadda, waxna ka bedeli kara khariiradeena taasi oo noqon karta wax yar uun marka laga hadlayo qorshaha ameerikaanka ee loo yaqaano (Hooyada Dagaalada) kan oo qaybahiisa waaweyn la rajaynayo Sanadaha soo beegan.
Last Updated on Thursday, 05 August 2010 13:38
Read more...
|
Ajnabiyiinta oo La Wareegaya Hogaaminta Alshabaab
Wednesday, 04 August 2010 11:39
xusen
Dagaalyahano Ajaanib ah ayaa ururka Alshabaab kala wareegay Hogaaminta Ururkaasi, taasoo lagu macnayn karo in Ururkaasi goostay inuu hawlahiisa u gudbiyo dhanka wadamada Deriska ah sida uu baahiyey Wargeyska East African Standard,waxaana hogaamiyayaasha Cusub oo ah Ruugcadayaal ku soo tababartay Xeryaha ay Alqaacida Ku Leedahay Aasiyada Dhexe ayaa la sheegayaa inay ka bilaabeen hawlgaladooda weeraradii Kampala, waxaana wararka dhanka Sirdoonka ee ay xigatay East African ay tibaaxayaan in Weeraradii kampala laga lahaa labo Ujeeddo oo ay tan Hore tahay in gobolka lagu qasbo inay dagaal ka galaan Somalia & ta labaad oo ahayd in la kasbado taageerada shacabka Soomaalida oo beryahan dambe ka sii yaraanaysay dhanka Alshabaab, taasoo lagu soo celinayo in la tuso Ciidamo shisheeye oo dalka lagu soo daabulayo.
Last Updated on Wednesday, 04 August 2010 12:15
Read more...
Aqoonyahan Reer Buuhoodle Ah oo Loo Magacaabay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland
Tuesday, 03 August 2010 12:12
xusen

Qaramada Midoobay ayaa u Soo Magacowday Aqoonyahan Reer Buuhoodle ah Cabdifataax Xaaji Maxamed Geedeye inuu mas'uul ka noqdo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland, waxaana uu hawsha ka wadi doona xafiiskiisa Hargaysa, halka sidoo kalena la hadalhayo inuu wakiil ka noqonayo hawlaha Qaramada Midoobay ee Puntland, isagoo guud ahaanba maareyn doona arimaha gargaarka, Horumarinta, Tababarada & Hawlaha kale ee ay Qaramada Midoobay ka waddo Mandaqadda.
Last Updated on Tuesday, 03 August 2010 12:19
Read more...
Maaxweyne Siilaanyo & Mudane Qeybe oo Kulan Yeeshay
Tuesday, 03 August 2010 11:40
xusen
Kulan ka dhacay Qasriga Madaxweynaha Somaliland ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu dhexmaray Madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) & Gudoomiyahii Hore ee Baarlamaanka Somaliland Axmed Maxamed Aadan (Qeybe), waxaana kulankaasi oo ahaa mid caadi ah ay labada mas'uul iskula eegeen marxaladda cusub ee Somaliland gashay & Sida ay uga wada tashan karaan.
Last Updated on Tuesday, 03 August 2010 12:07
Read more...
|
|
|
|
|
|
Page 2 of 107 |