allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun-Halyey Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi) oo la toogtay

E-mail Print PDF

Laascaanood-Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi) oo ahaa nin oday ah oo guud ahaan gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle si weyn looga yaqaanay,isla markaana ahaa ganacsade weyn,kana tirsanaa masuuliyiinta ciidanka booliiska iyo amniga ee deegaamadaas ayaa dablay hubaysan oo aan haybtooda la garanayn waxa ay ku toogteen badhtamaha magaalada Laascaanood,xalay fiidkii isaga markaas ka yimid misaajidka Al-Nuur salaadii cishe.

Marxuun Suxufi oo si weyn uga qayb qaadan jirey hawlaha horumarinta deegaanada SSB,ayaa lagu xasuusan doonaa wax qabadkii uu ka qayb qaatay ee xaga amniga,waxbarashada iyo weliba dhismayaasha guryaha bilicda san ee boqolaalka ah ee uu ka dhisi jirey magaalooyinka Laascaanood,Buuhoodle iyo weliba Ceegaag.
Suxufi ayaa dhowaan si weyn uga qayb qaatay iskuulkii dhowaan laga furay degmada Ceegaag ee gobolka Buuhoodle,iyo weliba aasaaskii degmadaas oo hada ka mid ah degmooyinka ugu bilicda san deegaankaas.
Dilka loo geystey Suxufi ayaa welwel iyo walbahaar aan horay loo arag ku beeray dadka magaaladaas iyo guud ahaanba gobolkaba,iyadoo aan horay looga baran dilal noocan oo kale ah,marka laga reebo dilkii lala begsaday taliyihii ciidanka qaranka ee gobolka Sool.
Magaalada Laascaanood ayaa waxa u soo gudbay qaraxyadii laga fulin jirey gobolada la jaarka ah ee Puntland,sida magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe,kuwaasoo laga fuliyey dilal badan oo noocaas oo kale ah.

Waxaa gebi ahaanba la xidhay wadooyinka magaalada,waxaana lagu dabo joogaa dadkii dilkaas geystey,iyadoo la filayo in dhowaan gacanta lagu dhigi doono,iyadoo lagu yaqaan dadka magaaladaas inaanay qarin gacan-ku-dhiigle.
Hadaan nahay bahda Afnugaal Online,waxaan tacsi dtiiraanyo leh u diraynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuun Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi),waxaana eebe ugu baryaynaa inuu janadii firdowsa ka waraabiyo..Ilaahoow Aamiin..Aamiin..Amiin..
Wararka oo faahfaahsan insha alaah dib baan idiinka soo gudbin doonaa.


Hassan Diri Jama.
Contact: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Afnugaal.com

Allhawd.com


 

Last Updated on Saturday, 16 January 2010 12:07  

news