allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Shirkadda Dayax ee Ceelka Biyaha Buuhoodle *Buuhoodle Negayso & Badbaado Dheh ( Qalinkii Xuseen Kurdi)

E-mail Print PDF

Xilli muddo sanado ah ay Buuhoodle & Inta ka xigta Galbeed ilaa Xeebta Berbera ay ku yaraatay raxmadii deyrta ee sanadkani ama aanay helinba meelaha qaarkood ayaa hadana waxaa ay bulshadii reer guuraaga ahayd ee goboladaasi isugu soo hayaameen dhanka Bariga buuhoodle oo roobabkii deyrtu ay si wacan uga da'een, waxaase hubaal ah in hayaankaasi in lagu dhiirado ama lagu sii sugnaado deegaanadaasi suurogal ka dhigtay shirkadda Dayax oo ilaahay sabab uga dhigay taasoo dadaal badan ka samaysay hirgelintii ceelkaasi & dib u hagaajintiisa dambeba, waxaana markii ay gabaabsi noqdeen biyahii baraagaha ku jiray dad & xoolaba gumaro u noqday biyahii ceelka Buuhoodle oo sidoo kale negeeyey Benderkii Buuhoodle oo biyo la.aan darteed sanadkan noqon gaadhay Bullaxaartii labaad oo aanay xiligan suurogal noqoteen in nooluhu ku sugnaado ( Ilaahay Baa Awwood dhamaanteed leh) waxaana si aqlabiyad leh loogu tilmaami karaa shirkadda Dayax inay tahay Badbaado & Buuhoodle Negayso.

Shirkadda dayax ayaa sidoo kale ay tahay maalgashiga keliya ee qaabka Co_Operation_ka ah ee lagu guulaystay deegaanada Buuhoodle marka la dhinac dhigo barnaamijyadii kale ee qaabkaa lagu maalgeliyey sida kuwii Isgaadhsiinta & Caafimaadka oo qabyooday.

Boqolaal qoys oo dabaqadaha kala duwan ah ayaa si weyn uga faa'iidaystay biyaha ceelkaasi halka sidoo kalena cabitaanka biyahaasi ay naruuro u noqdeen xoolaha nool oo caafimaad taam ah ka helay gaar ahaan geela oo ay ka dhinteen bahalihii kaga noolaa caloosha & maskaxda sida Sangaallaha, tan oo la odhan karo waa horumar caafimaad oo ay si toos ah u soo kordhisay Shirkadaasi Dayax.

Koox dhalinyaro ah ama u badan ayaa maalgashi & aasaas ku sameeyey shirkada Dayax oo qaabilsan dhanka qandaraasyada & Qodista ceelasha Biyaha waxaana ay guul ka gaadheen dhamaan ceelashii ay qodeen oo uu ku jiro ceelkan Buuhoodle oo isagu ahaa kii koobaad ee laga soo saaro Buuhoodle ka dib muddo nus qarni ah oo baadhitaano lagu waday soo saarka biyaha saafiga ah ee Buuhoodle, halka dhalinyaradan lagu tilmaamo inay raacayaan dariiqadii ay Chiana & Hindiya u mareen horumarka dhakhsaha ku koray ee ay mudada rubuc qarniga ah ku tallaabsadeen, taasi oo ah in aqoontana la kaashado lana yareeyo faragelinta waxii danahaaga ka baxsan.

Qalinkii Xuseen Kurdi

Allhawd.com

 

 

Last Updated on Sunday, 17 January 2010 15:17  

news