Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mandaqadda geeska Afgrika aya casuumad u diray Agaasimaha guud ee Warbaahinta SSB Xuseen aadan Yuusuf ( Kurdi) si uu goobjoog uga noqdo kulan lagu qabanayo caasimadda hargaysa oo lagaga hadli doona arimo khuseeya Xuquuqda Haweenka & kacdoonada ka dhex dhasha labka & Dhediga ( Gender Based Violance).
Kulankaasi waxa uu daba socdaa kulamo noocani ah oo hore loogu kala qabtay Boosaaso 2007, Hargaysa 2008, Buuhoodle 2009 oo dhamaantoodna uu ka qayb galay agaasimahu.
Inkastoo ay hay;adaha caalamiga ahi isku mashquuliyaan xuquuqda dhanka haweenka ayna bulshada dhexdeeda ka sameeyaan doodo & falanqayn ku sabsan, hadana waxaa la ogyahay in xuquuqda uu islaamku siiyey haweenka ay tahay ta ay ku jirto maslaxadda haweenka ee Nolosha, Geerida & Godka Aakhiraba.
Allhawd.com





