allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

21 arday oo ah Dufcadii 1aad ee jaamacada Nugaal University oo ka qalin jabisay

E-mail Print PDF

Waxaa maalintii shalay lagu qabtay hoolka wayn ee Hotel Xamdi xaflad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay taas oo ay kasoo qayb galeen odayaal,qurba joog udhalatay gobolka,dhalinyaro  iyo waliba masuuliyiinta Jaamacada Nugaal University,aqoonyahano iyo waliba masuuliyiintya maamulka Somaliland taas oo ahayd xaflad loo qabtay ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Nugaal University.

Xafladan oo uu ugu horayn uu furay Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa waxa uu ku furay ayaadaha quraanka kariimka ah isagoo kana soo jeediyay wacdi, iyadoo umadii halkaasi isugu timi ku booriyay inay wanaag isfaraan isagoo sidoo kalena xusay ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacada Nugaal University inay umadooda wax ugu qabtaan,waxa ay barteen.

Gudoomiyaha gudida jaamacada C/rishiid Jaamac Biixi aya waxa uu halkaasi kasoo jeediyay inay hawl badan usoo mareen maantana dufcadii ugu horaysay ay ka qalin jabinayso Jaamacada Nugaal University isagoo xusay inay barteen kuliyado kala duwan sida maamulka iyo maaraynta iyo xisaabaadka iyo qaar kale Jaamacaduna sanadka danbe ku kordhin doonto beeraha,xoolaha iyo shareecada kuliyadahooda isagoo baaqna u diray qurba joogta inay dalkooda maal gashadaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Sool Kayse Cawil Ladane ayaa waxa uu xusay in waxbarashada Gobolka ay sare u kacayso laakiin ay kala yar yihiin iskoolada iyo dadka wax baranaya oo kor u dhaafaya 40 kun oo qof,Gudoomiyaha ayaa waxaa kale oo uu xusay inay samayn doonaan Schoolo badan.

Sidoo kale Cali Maxamed Saalax ayaa waxa uu u hadlay afka ganacsatada isagoo ah masuul ka socday shirkada TELESOM xusayna inay nasiib badan yihiin dadka dalkooda wax ku bartay.

Waxaa isna ka Hadlay madasha Madaxa Bisha Cas ee Gobolka Sool daakir Maxamed Warsame ayaa isaguna halkaasi kasoo jeediyay khudbad uu ku dhiiri gelinayo shacabka Gobolka iyo waliba qurba joogta iyadoo sidoo kalena uu qurba joogta ay hadlay Coll: Axmed Caato oo xusay inay intaa shirar qabtaan laakiin aysan ilaa hadda maal gashan dalkooda ee ay maal gashadaan meelo kale.

Gudoomiyaha Jaamacada Burco C/raxmaan Jaamac Ducaale ayaa halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyay isagoo ardaydii kula dardaarmay inaysan laascaanood oo kali ah wax u baran ee ay umada Islaamka oo dhan wax u barteen isagoo sidoo kalena C/risaaq lafoole Gudoomiyaha Jaamacada uu halkaasi kasoo jeediyay khudbad ku saabsan Jaamacada uuna xusay in sanadkan ay 21 arday ay ka qalin jabisay laakiin sanadka danbe 10 kun oo arday ay rajaynaynaa.

intaasi kadib ayaa halkaasi waxaa lagu Qaybiyey shaahadooyinkii loogu tala galay ardayda ka qalab jabisay Jaamacada nugaal university  ashahaadooyinkaasi oo uu gudoonsiyey Gudoomiyaha Degmada iyo Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University.

Sidoo kale Ururka yesdo ayaa iyana Waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Maamulka Jaamacada Nugaal University.

Isku Soo wada duubo dufcadan kaqalanjabisay Jaamacada Nugaaal University ayaa ah dufcadii ugu horeysay tan iyo intii la aas aasay jaamacada nugaal.

Ugu danbayntii ayaa waxa xaflada soo gaba gabeeyay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir X, Xasan isagoo ardayda ka codsaday inay dalkooda wax ugu qabtaan loona baahan yahay in gacmaha la is qabsado.

Gudoomiyaha degmada ayaa sheegay  in nabad gelyada magaalada lascanod ay soo xumanayso maalmahan ugu danbeeyay,iminkana la doonayo in la iska kaashado shacab iyo dawlad ahaanba sidii wax looga qaban lahaa arintaa nabad galya xumida, isagoo ka soo jeediyay ducooyin ah in ilahay naga soo qabto Cidan wada qaraxyada ka dhacaya gobolka sool.

iyadoo halkaasi lagu bilaabay uruurin lacag lagu dhiso  jaamacada nugaal university  meel ay siisay maamulka Somaliland.

Holhol.net

allhawd.com

 

Last Updated on Tuesday, 26 January 2010 19:57  

news