allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Maamulka Gobolka Sool oo maanta Shir jaraa,id ku qabtay Xarunta Gobolka kagana Hadlay shirka Buurawadal

E-mail Print PDF

shirkan jaraa,id ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Kusimaha Badhasaabka Gobolka Sool shirkaas oo ay ka soo ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo gobolka ah sida Mayarka Degmada Laascaanood Canbaashe aw daahir Taliyaha Qaybta Gobolka Sool , Taliyaha Saldhiga Asluubta Cabdi Ciise ayaa waxaa dhamaan madaxdan ay si cad uga hadlay shirka shalayto ay qaar ka tirsan isimo ka soo jeeda gobolka sool ay ka soo saareen go,aamo ay ku sheegeen inay dib samayn doonaan wax ala wixii ay ka qaban karaan xaalada magaalaad laascaanood iyo inay xorayn doonaan.

 

Badhasaabka ku xigeenka Maxamed Cabdi Dhinbiil Daad oo ka hadlaya shirkaas iyo siyaabaha uu xanbaarsan yahay ayaa sheegay inay isimadu iyagu ay yihiin kuwii raadin lahaa nabada gobolka balse ay ahayd inaysan ku abaal sheegan daaqsinka ale bixiyay iyadoo isimada ay markasta soo dhaweynayaan oo ay yihiin madax dhaqameedka laakiinse ay ku jiraan xitaa kuwo aanay iyagu aqoonsanayn.


sidoo kale waxaa shirkaas isna ku dheeraaday ka hadalkiisa iyo waliba sida uu sheegay inay isimada ahaayeen kuwii iyagu somaliland keenay magaalada xiligii puntland ka horaysana la ogaa iyo xiligii ay joogtay kaalintii isimadu inay xitaa kala calin kari waayaan shacabka deegaanada sool sanaag iyo Hawd, waxaana kula talin lahaa ayuu yidhi mayerka degmada laascaanood inay isimada yimaadaan dhulkooda dalkooda oo aanay marba wareegin tuulo yar 10 shir ayay isugu tageen oo ka horeeyay wax ka soo baxayna majirto.

Afnugaal news Desk+Holhol.

Contact: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Last Updated on Tuesday, 09 February 2010 19:42  

news