fariintii maqalka ahayd ee uu soo diray ku xigeenka hogaanka Alqaacidada jasiirada carabta Siciid Alshari ayna baahisay jariiradda Alquds ayaa waxa ay ahayd mid ka turjumaysay qorshayaaasha taagan & kuwa mustaqbalka ee Alqaacida damacsan tahay, waxaana uu Alshari oo asalkiisu yahay Sucuudi laguna naanayso Abu Sufyaan Al-Asadiyi uu warbixintiisa ku cadeeyey in shaqsiyan uu Usama Binladan isaga u wakiishay qorshaii lagu doonayey in lagu burburiyo diyaarad ay lahaayeen ameerikaanku oo rayid ahayd intii lagu jiray ciiddii masiixiga, halka sidoo kale uu xusay in Hogaamiyaha Alqaacida Sheekh Usama uu ku sugan yahay goob aamin ah oo uu awoodo dhaqdhaqaaqa & xoriyada aag bedelashada, tan oo noqonaysa markii ugu horaysay ee uu Binladan hawlgal ka talowsan Badda atlantika u wakiisho mid ka mid ah hogaamiyayaashiisa dacalada dunida, arinta kale ee la odhan karo kama ahmiyad yarayn taas ayaa iyana ahayd markii uu Alshari tilmaamay inay wadaan qorshayaal ay ku qabsanayaan marinka Baabal-mandab ee oo ah suryada badda cas ee ay maraan dhamaan maraakiibta xambaarta shidaalka & taakulaynta ciidan ee maraykanka ee khaliijka Badda midetarenian-ka.
Siciid alshari waxa uu naaxnaaxiyey istiraatiijiyadda sii koraysa ee Alqaacida markii uu mahadnaq u jeediyey xarakada shabaab ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ciidamo ku caawiyeen wax uu ku tilmaamay Jihaadka yemen ka socda, halka sidoo kalena uu xusay in shabaabku xafiis hawlgelineed ka furteen gudaha wadanka yemen, xilli ay jirto in ugu yaraan 80 kun oo ruux oo qaxooti soomaalia ahi ay ku sugan yihiin wadankaasi, waxaana uu hadalka alshari ka turjumayaa in Shabaab ay ka faa'iidaysatay qaxootigaasi isla markaana ay dad ay soo siisay tababar ay ku biireen qaxootigaasi ugana sii gudbeen safafka alqaacidada jasiirada carabta, xubnahaas oo la aaminsan yahay inay yihiin kuwo dhiirran oo ay alqaacida u isticmaasho hawlgalada muhiimadda leh sida inay gudaha u galaan xuduuda Sucuudiga & wadamada kale ee khaliijka oo ah mandaqadda sadex daloolow hal dalool ay ka soo baxdo shidaalka caalamka lagu isticmaalo.
gacan ku qabashada alqaacida ee marinka baabalmandab ayaa la odhan karaa ma aha mid u fudud xiligan shabakadda alqaacida maadaama aanay haysan hubka & doonyaha lagama maarmaanka u ah hawshaasi laakiin taasi macnaheedu ma aha inaanay awoodi karin inay khalkhal geliyaan isu socodka & badmareenimada gacankaasi maadaama ay kooxaha yar ee budhcadbadeeda soomaaliyeed oo la aaminsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin alshabaab ay qafaasheen in ka badan 100 markab oo qaarkood xambaara shidaalka mudadii 4 sano ahayd ee ay jireen.
Si kastaba ha ahaatee Sida ku cad cajalada alqaacida waxa ay u muuqataa xiligan mid ka khatar badan sidii ay ahayd waxii ka horeeyey sanadkii 2001 maadaaa ay hadda kulaalayso mandaqadda shidaalka caalamku ka soo baxo & marinada uu maraba.
Qalinkii Xuseen Kurdi
Allhawd.com





