allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

wasiirka waxbarashada somaliland oo maanta la kulmay Maamulayaasha Waxbarashada Gobolka Sool

E-mail Print PDF

Wasiirka waxbarashada somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhwayne) ayaa waxaa uu maanta kulamo la qaatay maamulayaasha schoolada dawliga ah iyo kuwa dadban ee ku yaala Gobolka sool.Wasiirka waxbarashada somaliland ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradiisu ay wax ka qabatay Gobolka sool wasiirka ayaa waxaa uu xusay in ay dacaytireen schoolo Bilaa daaqado ah Sido kalle Jajaban iyadoo schooladaas ay dayactir ku sameeyeen ay ka mid haayeen Schoolka Golkhaatumo Iyo Abyan.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa uu sheegay in ay maamulayaasha Schoolada Ay u feejignaadaan Ardayda sidoo kale waxaa uu sheegay Macalimiinta Qarkood ayaan garanayn macalinimo ay moodayaan in wax la xariiqo un
Waxaana uu sheegay wasiirku in ay macalimiinta laftooda ufeejignadaan maamulayaashu.


Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Ardada Marka ay soo baxayaan ilaaliyaan maxaa yelay Waxaa dhici kara qarax markaa ardadu waa ay ku ordaysaa waxaa sidaa yiri Wasiirka waxbarashada somaliland xasan xaaji maxamuud warsame (Xasan Gadhwayne).Waxaa wasiirku sidoo kale xusay in uu Gobolka sool wax badan u qabanayo Sidoo kalena uu ku darayo schoolo,waxaa kale uu sheegay in uu samaynayo jamacada nugaal oo isagu Wali qabyo ah.Wasiirka waxbarashada somaliland ayaa waxaa uu sheegay in uu tagayo, ha se ahaate marka uu soo noqdo uu hawlaha qabyada ka ah uu qabanayo.

holhol.net

Allhawd.com

Last Updated on Wednesday, 17 February 2010 20:39  

news