Wararka ka imanaya xaafadaha dhanka Bari ee magalada Burco aya tilmaamaya inay halkaasi ka bilaabantay binayn ama dhisme sharcidarro ah oo kaabado lagu seesayo beertii ay qoyska reer Geedeeye mudada Halka Qarni ah ku lahaayeen halkaasi, waxaana wararku intaasi ku darayaan in beertaasi oo xayiraad ka saarnayd dhanka maxkamadda sare hadana mar walba lagu soo celcelinayo fadhataysi & in lagu xadgudbo mulkiga dadkaasi muwaadiniinta ah.
Mudane Xasan Saleebaan Geedeeye oo hadda ku sugan magaalada Burco ayaa tibaaxay inuu aad uga werwersan yahay faragelinta ku socota hantida dad gaar ahi leeyihiin iyadoo buu yidhi la iska indhotirayo dhamaan waxii xukun & go'aamo ahaa ee beertaasi laga gaadhay mudadii 5 sano ahayd ee u dambaysay.
Sida la ogyahay caa'iladda reer Geedeeye waxa ay ka mid ahayd qoysaskii faro ku tiriska ahaa ee aasaasay magaaladaasi Burco bilowgii Qarnigii 20-aad, halka beertaasina loo calaamadiyey sanadkii 1927.
Allhawd.com





