allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Wasiirada SL ee Ku Sugan Laascaanood oo Kormeeray hay'adaha Ammaanka

E-mail Print PDF

wafdiga wasiirada ee ku sugan laascaanood aya waxay maanta shirar kala duwan la yeesheen Gudiga nabadgalyada ee gobolka sool,shirkan oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxaa lagaga wada hadlayay, arimaha amaanka iyo habsami usocodka hawlaha maamulka gobolka sool.

Sidoo kale xubnaha Golaha wasiirada ee somaliland oo ay kamid ahayeen Wasiirka cadaalada axmed xasan cali (Casoowe) wasiirka gaashaandhiga saleebaan warsamed guuleed iyo wasiiru  dawlaha waxbarashada maxamuud garaad maxamed ayaa booqasho la xidhiidha kuur galida hawlaha shaqo ee xarumaha Dawlada ku soo maray xaruumo ay kamid yihiin Saldhigyada ciidamada Policeka ee magaalada laascaanood xarunta dawlada Hoose xafiiska maaliyada iyo xarunta maamulka gobolka sool.


Waxaana ay intii ay ku guda jireen booqashadooda ay warbixino kala gadisan ka dhagaysteen masuuliyiinta goobihii ay booqanayeen.


Wafdiga wasiirada somaliland ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada laasscaanood waxaa ay kulamo kala gadisan la yeesheen waxgaradka odayaasha iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada,waxaa kulamadoodii inta badan ay la xidhiidheen adkaynta gobolka iyo sida loo dhaqaajin lahaa maamulka gobolka sool.

Holhol.net

allhawd.com

Last Updated on Friday, 26 February 2010 21:36  

news