allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

wasiirka Boosha Somaliland oo Ka hadlay Booqashadii Faarax macalin ee Laascaanood

E-mail Print PDF

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta SL Cali maxamuud cali sandule ayaa waxaa uu canbareyn kulul usoo jeediyey waiirka maamul wanaaga puntland  maxamed faarax ciise gaashaan
ka dib markii gaashaan uu hore canbaarayn ugu soo jeediyey booqashadii uu ku maray Somaliland gudoomiye ku xigenka baarkalamanka Kenya faarax macalin. Sidoo kale wuxuu Wasiir cali canbaarey wasiira arimaha gudaha ee dalka kenka isagoo sheegay inuu wasiirka ka gaabiyey shaqadii uu u hayey Dalka Kenya iyo dhamaan afrikaba isagoo sheegay inuu wasiirku wasiir u yahay afrika oo dhan, xilli uu Cali Sandulle hadda ku sugan yahay magaalada hadalka keentay ee laascaanood oo uu shaqo ku joogo.



Wasiirka boosaha iyo is gaadhsiinta aya waxa uu sheegay inu gaashaan ku khaldan yahay inuu canbaarayn ujeediyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya faarax macalin waxaa wasiirku sheegay in faarax macalin xaq u leeyahay inu booqdo soomaliland,puntland iyo somaliyaba.
Wasiir cali  ayaa sheegay in farax macalin deegaankiisa labaad uu yahay g.sool sidoo kale wasiir cali wuxuu sheegay inaysan jirin cid eedayn karta imaatinka isaga iyo waftigiisa
Wasiir cali ayaa sheegay inuu u mahad celinayo waftiga faarax macalin ayna guul usoo hooyeen dowlada Kenya
Sidoo kale cali sandule wuxuu sheegay in Kenya ay tahay eesha ay joogaan deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee deeqaha siiya wadamo badan oo Africa ah somaliland’na ku jirto waxaa kaloo wasiirku sheegay in mar hadii waftiyada Kenya ka imaanaya Somaliland la canbaaraynayo ay Somaliland la so wareegi doonto haayadaha deeqaha siiya eek u sugan wadanka Kenya caasimadiisa Nairobi, ina soo wareejindoonaan caasimada s/land ee hargeysa

Waxaa kaloo wasiir cali sheegay in imaatinka waftiga faarax ay tahay mid isku soo dhawaynaysa xidhiidhka bulshooyinka Somaliland Kenya iyo waliba xidhiidhka somaliya iyo Kenya

Holhol.net

Last Updated on Wednesday, 03 March 2010 21:13  

news