allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Gurdanka Jaalliyadda, Golaha Khusuusida & Go'aanka Sirta Ah

E-mail Print PDF
Iyadoo ay gurdanka xubnaha jaaliyaddu ka wadaan bagcadda banaan ee Buurowadal kuna doonayaan inay ku biiraan golaha khusuusida oo aan la isla qaadan istiraatiijiyada loo dhisayo ayaa dhanka kale waxaa weli socda oo ay tani qayb ka tahay lugooyada aan geedna loogu soo gabban ee ay golaha Isimoland ku hayaan dadweynaha SSB, gaar ahaana xubnaha qurbajoogta ah ee ay siyaasaddu madaxmartay oo doonaya uun in wax loo dhaqdhaqaajiyo, waxana isimoland ay mar kale golayaal dhisayaan iyadoo ay 150 habeen ka soo wareegtay markay sameeyeen gudiga SSc ee nairobi, hadana ay Buurowadal ka bilaabeen barnaamijka Khusuusida oo ay daadihinayaan intii diidanayd waxii Nairobi lagu dhisay oo ah kooxaha sida dhow gacansaarka ula leh Puntland & odayaal wiilashooda la doonaya kursiga gudoonka. waase maxay Go'aanka sirta ah?  

 

Go’anka Sirta ah

 

Iyadoo si weyn looga dheregsan yahay in tashigii beelaha SSb ay sanadkii 1993 ku yeesheen Boocame ee lagu dhisay golaha khusuusida uu ahaa mid sharciyaysan ka dibna ay 15 xubnood ee ugu muhiimsanaa khusuusida marka laga reebo Gudoomiyahii xiligaasi ay ka qayb galeen shirweynahii Boorame ee lagaga dhawaaqay Gooni isu taagga Somaliland ayna weheliyeen isimada & Siyaasiyiinta ugu caansn SSB, taasina ay tahay talaabada ay beesha caalamku rasmi ahaan ugu aqoonsatay deegaanada SSB inay Somaliland ka mid yahiin ayaa hadda muddo 17 sano ka bacdi ah waxa ay isimada Pro-Puntland –ka ahi doonayaan inay sameeyaan gole khusuusi oo khasab ah oo aan dadweynaha metelin kuwaasoo loogu talogalay oo keliya inay ku dhawaaqaan in SSB ay go’aansatay inay Puntland yihiin, halka isimadii kalena ay hadda uun ogaadeen shirqoolkan oo ay debadda u soo baxday khilaafka labadooda dhinac.

 

Xilli hadaba dhowaan uun ay ahayd markii beesha qayb ahaan martida loogu yahay Buurowadal ay bayaan ka soo saaratay kulamada isimoland ku hayaan Buurowadal oo ay ku sheegeen inaanay taageersanayn isla markaana aanay aqbali doonin wax kasta oo ka soo baxa ayaa dhanka kale waxaa jaaliyadaha qaarkood sida Australia, Qatar & meelo ka mid ah maraykan ka muuqatay dhaliisha ku aaddan inaanay Qurbajoogtu waxba kala socon xaaladda waaqiciga ah ee gudaha ka dib markii ay baaqyo taageero ah u soo direen Golaha Isimoland, taasoo meel ka dhac ku ah Gudidii SSC ee Nairobi & Golahii NSUM.

 

Somaliland dhinaceeda ma aragto wax culays siyaasadeed ama ammaan oo ay kulamada Buurowadal ku hayaan qaranimadeeda waxaana dhowaan la sii adkeeyey xidhiidhka wadamada Igad ee ku aaddan khariirad dhuleedka Somaliland, taasoo ay sii xoojinteeda qayb ka ahyd kulankii uu wasiirka arimaha debadda ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale kula yeeshay magaalada Addis Ababa Dhigiisa Itoobiya, xilli ay golaha wasiirada Somaliland qayb ka mid ahi ku sugan yihiin magaalada xarunta u ah gobolkaasi Sool ee Laascaanood ayna hawlahii ammaan & kuwii maamul ee heer gobol u socdaan sidii loo qorsheeyey.

 

Dadweynaha gobolkaasi oo maqal mooyaane aanay saamayn muuqata ku yeelan kulamada Buurowadal ayaa qaarkood isweydiinayaan meesha loola kacayo hadiiba ay suurogasho in liis dad ku qoran yihiin oo gole lagu sheegayo la sameeyo, (( Dhalinyarada Qurbaha ka timid ee Buurowadal lagu sheegayo waxaan odhan lahaa baarlamaanada Yurub & maraykan baa idiinka dhow Inaad Buurowadal Xil u soo doonataan)) ayuu yidhi nin oday ah oo ku sugnaa shalay goob laga cabbo sharaabka oo ku taalla badhtamaha magaalada laascaanood.

 

Si kastaba ha ahaatee iyagoo Golaha Isimoland ay si weyn uga dheregsan yihiin Bahdilkii shalay lagu sameeyey wasiirkii hore ee Qorsheynta Pl oo ka soo jeeday SSb ayaa waxaa arin laga murugoodo ah in maanta ay dhisayaan oo ay si qarsoodi ah u hadoodilayaan soo saarista baaq waaqiciga ka fog oo deegaanada SSB loogu sheego Puntland, tan oo ah go'aanka sirta ah ee ay jeebka ku haystaan Qaybtooda hore miisaanayad ahaan Puntland uga heli jiray qiyaastii 800 askari mushaharkood.

 

Allhawd.com

Last Updated on Sunday, 07 March 2010 19:52  

news