Cabbdirahiid Xaaji Ducaale oo diiday
inuu qabto xilkii lagu magacaabay.
Iyada oo beesha Dhulbahante saluugsanayd xilalka laga siiyey golaha wasiirada tayada iyo tiradoodaba, ayaa hadanna siyaasiyiintii gobolka Buuhoodle aanay waxba kaga jirin. Xubnaha Qaybtii 2aad ee Xukuumada cusub ee Somaliland ee uu shalay Madaxwayne Siilaanyo magacaabay ayaa C/Rashiid Xaaji Ducaale ku magacawnaa xil ka hooseeya Agaasime Guud. Haddaba C/rashiid ayaa Allhawd u sheegay in jagadan loo magacaabay aanu filahayn imikana diyaar u ahayn inuu qabto. Wax sabab ama faahfaahin ahna intaa ma raacin.
Sida ku cad liiska magacyada xubnaha, meelaha loo magacaabay ee beelaha ay kasoo jeedaan oo aanu kasoo dheeganay Qaran News waa mid sawir eexasho muujinaya. Wargayska YOOL ayaa qoraalkan oo Websiteka Qaran News lagu daabacay ka diyaariyey (Aug 27, 2010)
Axmed Siilaanyo oo ilihii-dhaqaalaha ku
Taxay Xubno Beeshiisa u Badan. Halkani ka akhriso.
YOOL (Aug. 27, 2010)
Hargeysa(Yool)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay soo saaray dufcaddii labaad ee Xukuumaddiisa, kuwaasoo tiradoodu ahayd 44-xubnood oo isugu jira masuuliyiinta madaxda ka noqon doona qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay'adaha madaxabannaan ee Dawladda.