Xilli ay bulshadii reer guuraaga ahayd ee gobolada Bariga Sl ku sugan yihiin inta Buuhoodle Bari ka xigta ayaa waxaa la soo sheegayaa in degaanada qaarkood ay xalay & maanta ka hooreen Hoglo wanaagsan, waxaana la cadeeyey in Tuulada Goob oo ka mid ah dhulka loo yaqaano toomaha ay Buuxsantay oo roobsatay, halka tuulooyinka sare ee hawdka sida Laandheer iyana ay hoglo lagu qabowsaday ka da'een, Horufadhi ayaa iyadana biyo dhig laga soo sheegayaa. Buuhoodle dushiisa ayaa hadda waxaa saaran daruuro waaweyn oo keeni kara inay habeenimada caawa xilli roobaad ka noqoto gudaha magaladaasi.
waxii wararka roobka ah kala socda hallkan
